Maanta oo ay taariikhdu tahay 31-03-2012 waxa ay ururka Ardayda iyo Midowga hdaliyarada Ogadenia ee wadanka Norway kusoo abaabuleen xaflad aad u balaadhan oo lagu xusayay shantii sano ee ka soo wareegtay aasaaskii ururka dhalinyarada. Munaasabadan oo ay daadihineysay gabadh aad u da’yar halganto Hinda Ahmed ayaa waxaa lagu furay aayadaha quraanka ah ee kariimka iyo kalmado diini ah oo usoo jeediiyay Muddane Riyaale Xaamud, kalmadahaas uu mudanuhu kusoo koobay erayo ahaa: «Aynu aarsano aynu aarsano una hiilino diinteena, dadkeena iyo dalkeenaba».Heesta calanka kadib ayaa waxaa la wareegay makarafoonka oo si wacan loogu soo dhaweeyay xoghayaha ururka OYSU-No mudanne Haruun Cabdullahi oo si taarikhiyan ah u dul maray marxaladihii kala duwanaa oo uusoo maray ururka dhalinyarada ardeyda Ogadenya. Barnaamijkii ama xafladan oo ay dadku aad u xiiseynayeen ayaa meeshii kasii socotay tasoo lasii waday warbixinta ururka oo uu mudane Hassan Noor  ka hadlay wax qabadka ururka. Munaasabadan ayaan loo kala hadhin waxaana goobta ka maqneeyn abwaaniinta/fanaaniinta qaranka oo ka kala socday dhoowr dal waxaana hogaaminyaya mudane Jango waxaana garabkiisa taagnaa fanaanada OYSU Nimco Jibaax ( Nimco Xoriyo) halkan beey kusoo bandhigeen heeso aad u qiiro badan. Ururka dhalinyaradu waxeey kalooy soo bandhigeen ciyaar hidiyo dhaqameed.

Waxaa isla markaasna lagu soo dhaweeyay goobta Marwo Ayan (Drammen) oo iyaduna si qurux badan usoo bandhigtay barnaamij loogu magac daray: Cududa dhalinyarada.

Waxaa hadalo muhiim ah ka jeediyay madasha xuska gudoomiyaha jaaliyada Mudane Cabdirahman Sh. Yusuf oo aad u dhiiri galiyay dhalinyarada kuna baraarujiyay iney halgankooda daacad u noqdaan.

Mudane Jaango ayaa isna madadaalada marna ka gaabinin, halkaaas oo uu kusoo bandhigayay heeso iyo madadaalooyin kala duwan.

Intaa ka dib ayaa Waxaa markarafoonka lagu soo dhaweeyay xoghayaha guud ee OYSU  mudane Mujaahid Sh. Ibraahim oo aad ugu dheeraaday fikradiihii ka danbeeyay  mideynta ururada dhalinyarada Ogadenya, wax qabadka OYSU meel walba ay aduunka ka jiraan iyo siiba hawlgaladoodu meesha ay u marayaan..

Waxaa munaasabadan lagu casuumay qof walba oo daneeynaya halganka shacabka Ogadenya waxaana meesha kasoo qeeyb galay ururka daryeel oo uu u hadlayay mudane Karaar Shukri, oo kasoo jeediyay hadalo aad dhiiga u dhaqaajiyay martidii iyo qof walba oo  meesha joogay erayadiisii waxaa ka mid ahaa sidan: «Waxaan ka dhiidhinayaa dhibka lagu hayo walaaladeyda ila dhashay, waxaana isoo jiitay mawqufkiina soo jireenka ahaa een marna is badalin, xaqna waxeey u leeyihiin ineey u maamushaan dhulkooda iyagoo u madax banaan taas.»

Cashir loogu talagay dhalinyarada ayaa waxaa soo bandhigay Mudane Dr. Gooni.

Waxaa kalmado hanbalyeeyn iyo mahadcelin isugu jirta soo jeediyay ururka OYSU-Dk iyo OYSU- Sweden oo marti ka ahaa madashan.

Xafladan oo ilaa hada socota ayaa qeeybtisii kobaad lagu soo gabo gabeeyay bilad sharafyo iyo hadiyo lasiiyay dhalinyaradii ugu firfircooneeyd uguna wax qabad badneeyd sanadkii 2011.

Najma Abdi/ONA

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay