Dalalka reer galbeedka waxay danaynayaan Turkiga,balse su’aasha ay is weydinayaan Mareykanka iyo qaar ka tirsan dalalka Yurub ayaa ah halka uu gaarsiisan yahay damacaasi.

Dadka qaar ee ka faalooda arrimaha diblomaasiyadda ayaa walaac ka muujinaya in Turkiga lagu tilmaami karo saaxib dhaw oo istraatiiji u ah dalka Mareykanka.

Turkiga wuxuu xubin sare ka yahay gaashaan buurta Nato, saldhigyada militari waxay kaalin wayn ka qaateen howlgallada uu Mareykanka ka wado bariga dhexe.

Xukuumadda Ankara waxay saaxib dhaw la tahay dalalka Yurub, Turkiga oo kaliya ah wuxuu martigeliyay in ka badan 3.5 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah.

Madaxweyne Erdogan wuxuu wajahayaa dhibaato dhanka diblomaasiyadda iyo dhaqaalah,a taasoo waxyeellaynaysa xiriirka uu la leeyahay Mareykanka iyo gaashaan buurta Nato.

Inta badan dhibaatada dhaqaalaha ee Turkiga waxaa dhaliyay, loollanka kobaca dhaqaalaha ee uu dalkaasi ku jiro iyo hirgelinta mashaariicda lagu maalgeliyay lacagaha deynta ah.

Balse xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan Mareykanka iyo Ruushka waxaa sababay Baadariga Mareykanka u dhashay ee ku xiran dalka Turkiga.

Turkiga ayaa ku eedeeyay Andrew Brunson inuu wado howlo khatar ku ah qaranka, waxayna arrintaas horseedday in labada dal uu midba kan kale cunaqabatayn ku soo rogo.

Su’aasha la is weeydinayo ayaa ah, xubinnimada Turkiga ee gaashaan buurta Nato su’aal miyay geli kartaa?

Gaashaan buurta Nato ma laha nidaam dalka xubinta ka ah ururka ay kaga saari karaan, balse xukuumadda Ankara haddii ay codsato inay ka baxdo Nato waa halkeeda.

Markii uu jiray dagaalkii qaboobaa, Turkiga wuxuu lahaa ciidammo awood leh oo door wayn ka cayaaray howlgallada militari ee Nato, waayadan dambe, Turkiga wuxuu ka mid yahay dalalka sida wayn uga qayb qaatay howlgallada ay dalalka huwanta ah ay ka wadaan Afqanistaan.

Marar badan ayay Turkiga soo wajahday xiisad diblomaasiyadeed, waxay cadawaad dhexmartay dalka Greece, balse waxaa xiisaddaasi dejiyay dalalka ka tirsan gaashaan buurta Nato.

Sannadkii 1990 ila 1991-kii, Turkiga wuxuu Nato ka ogolaaday inay siiyaan labo diyaaradood oo uu isaga difaaco weeraradii hoggaamiyihii Ciraaq, Saddam Xuseen.

Markii u bilaabanayey dagaalka Suuriya, Turkiga wuxuu gaashaan buurta Nato ka codsaday inuu siiyo hubka la iskaaga difaaco gantaallada, isagoo markaasi ka baqayay weeraro uga yimaada dowladda uu hoggaamiyo Bashar Al-Assad.

Turkiga wuxuu siyaabo kala duwan ugu lug yeeshay dagaallada Suuriya iyo Ciraaq, mararka qaarkood wuxuu taageeraa kooxaha mucaaradka , mararka qaarna wuxuu taageero u fidiyaa kooxaha islaamiyiinta ee ku kacsan dowladda, si xukunka looga tuuro nidaamka Bashar Al-Asad.

Turkiga hadda wuxuu ilaashanayaa danahiisa, wuxuuna si dhaw ula shaqeynayaa xukuumadda Moscow.

Turkiga wuxuu si wayn uga soo horjeeday tageerada militari ee uu Mareykanka u fidinayo dagaalamayaasha kooxda Kurddiyiinta dalka Suuriya, labada dal waxaa hareeyay dhaleeceen ay isku jeedinayaan.

Go’aanka xukuumadda Turkiga ay doonayso inay ku iibsato diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo Mareykanka waxay muujinaysaa tallaabooyinka aan caadiga ahayn ee ay kula macaamilayso dalalka gaashan buurta ah.

Dalal badan oo ka tirsan Midowga Yurub waxay ku dheeleeceeyaan madaxweynaha Turkiga inuu yahay kaligii taliye iyo in xaaladda xuquuqda aadanaha lagu tuntay.

Bangiyada Midowga Yurub waxay ka qayb qaataan dhaqaalaha Turkiga, dalalka Yurub iyo Turkiga waxaa ka dhexeeyaa xidhiidh dhaqaale.

Sii deynta labo ka tirsan ciidammada Giriigga oo ku xirnaa dalka Turkiga waxay ka dhigan tahay in madaxweye Erdogan uusan doonaynin in xiriir xun uu dhexmaro Midowga Yurub, isagoo hadda xiisad diblomaasiyadeed ay kala dhexeeyso Mareykanka.

Midowga Yurub waxay ka war hayaan heshiiska dhanka soo galootiga ah ay la galeen xukuumadda Ankara, taasoo yareysay qulqulka qaxootiga ee Yurub tan iyo sannadkii 2016-kii, ilaa waaggaasi Turkiga wuxuu helay dhaqaale badan oo deeq ah, balse qaabilidda qaxootiga badan dhibaato ayay ku reebtay dalkaasi.

Mustaqbalka dhaw, xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Turkiga wuu sii hagaagi karaa halka uu sii xumaanayo xiriirka uu la leeyahay Washington.

Mustaqbalka fog, jihada Turkigu u socdo marka la eego, wuxuu ka sii jeeda dalalka reer galbeedka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay