Kaligii taliyihii hore ee Itoobiya xukumi jiray Mingistu Hailemariam ayaa diiday in uu tago Itoobiya isagoo kabaqay in lagula xisaabtamo wixii uu gaystay oo aad ubadnaa una fool xumaa.

Raysal-wasaaraha Itoobiya oo shirkiisii jaraa’id ee daraato arinkaas wax lagaga waydiiyay ayaa si cad usheegay in dadka lacafiyay uusan kujirin Mingistu Hailemariam iyo dambiilayaasha waawayn toona, wuxuuna sheegay in hadii lahelo cadaalada la hor gayn doono.

Sida aan lawada socono Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa bixiyay cafis guud kadib markuu xilka lawareegay waxaana dadkuu cafiyay kamid ahaa kaligii taliye Mingistu iyo qayskiisa oo wadanka Zimbawi qoxooti ku ah.

Hase yeeshee cadaadis dhinaca TPLF kaga yimid ayaa lafilayaa in uu badalay fikirkii Raysal-wasaaraha, kuwaas oo aad uga xumaaday cafiska loofidiyay Mingistu oo dad badan oo Tigree, Eritrean iyo Soomaali ubadan Xasuuqay.

Mingistu oo ogaaday waxa lala damacsan yahay ayaa isaguna sheegay in hadii xataa lacafiyo uusan aadaynin Itoobiya, halkaas oo mudo 27 sano ah uusan arag, wuxuuna sheegay in uu nolashiisa Zimbawi kudhamaysan doono.

Arintan ayaa dad badan oo dambiilayaashii Itoobiya kamid ah cabsi galisay kuwaas oo filayay in lacafin doono wixii horana xalay dhalay laga soo qaadi doono, waxaana dadka walaacsan kamid ah saraakiishii TPLF ee gabood falka gaystay.

Isku soo wada duub oo waxaa siibadanaya kala aragti duwanaanta raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiye Axmed iyo saraakiishii hore kuwaas oo aad ugu kala duwan qaabka wadanka loomaamulayo ama cafisyada loobixinayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay