Ilo-wareedyo xidhiidh lasoo sameeyay Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA ayaa sheegaya in Shacab Tigrey ah uu maanta lug kaga gudbey xadka u dhexeeya labada dal ee Eritrea iyo Itoobiya.

Shacabkan xadka ka talaabay oo aan wax Visa ah ama ogolosho dal ku gal ah cidna waydiisan ama ka haysanin yaa xadka talaabeen oo u gudbay dhanka Eritrea. Maamulka Gobolka Tigrey wuxuu rabaa oo intii mudoo ahba ku hawlanaa qorshe cusub oo u ogolaanaya in gobolkooda iyo dawlada Eritrea aysan xad xidhan oo kala qaybiya aysan yeelanin. Labada shacabna ee Tigrey-Itoobiya iyo Eritrea na ay siday doonaan isugu socon karaan.

Khubarada u dhuun duleesha arimaha Itoobiya ayaa ku macnaysay talaabadan inay tahay mid muujinaysa in siyaasada Itoobiya aysan ahayn mid xasiloon oo meel loogu soo hagaago aan lahayn. Waxaa dalka oo idil hadheeyay xasilooni darri ka dhalatay shaqaaqooyin u dhexeeya qawmiyadaha kala duwan ee dariska ah oo meelaha qaar uu dagaal dhiig badani ku daatay uu ka dhacay sida Soomaalida iyo Oromada iyo waliba qawmiyadaha kale ee jaarka ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay