Dagaal khasaaro xooggan gaystey ayaa ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo. Dagaalkan ayaa u dhexeeyey ciidamada Soomaaliya iyo Malayshiyaadka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliya ayaa Warbaahinta SONNA u sheegtey in ciidanka Dowladda ay heegan ku jireen taasina ay suurtagalisay in si deg-deg ah looga hortago weerarkii ay soo qaadeen maleeshiyaadka al-Shabaab. Afhayeen u hadley Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhimasho badan u gaysteen kooxda al-Shabaab.

Dhanka kale warbaahinta ku hadasha afka al-Shabaab ayaa sheegtey in weerar ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taala Daynuunaay 23 km u jirta xarunta Baay ee Baydhabo, waxaana ay sheegteen in ay dileen ugu yaraaan 5 askeri qaar kalena dhaawaceen. Al-Shababa ayaa sheegtey in ay xerada qabsadeen, inkasta oo ciidanka Soomaaliya ay beeniyeen oo sheegeen in diyaar loo ahaa taasna sababtey in jab xooggan ay gaarsiiyaan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay