Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub (EU) Mudane Cali Saciid Faqi ayaa Qoraal kooban oo uu soo dhigay Baraha Bulshada wuxuu ku wargaliyay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan waalidiinta caruurtooda ku xidhan yihiin jeelasha ku yaala dalka Liibiya in dagaalka ka socdo magalada Tripoli ee caasimadda dalkaasi uu sababay in Albaabada loo furay qaar ka mid ah xabsiyada ay ku jireen dhalinyarada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa sheegay in Dhalinyaradii ku jirtay xabsiyadda Tariqu Mataar iyo Salahu Diin ay kala carareen iyadoo qaarkood ay soo gaadheen Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Liibiya halka kuwa maqan baadi goob loogu jiro, iyadoo hal goob la iskugu keenayo dhamaan Dhalinyarada si aysan waxyeelo kaga soo gaarin dagaalka ka socda Tripoli sida uu sheegay Cali Saciid Faqi.

Sidoo kale Safiirka ayaa xaqiijiyay in Dhalinyaradii ku jirtay Xabsiga Ain Zara ay wali meeshooda ay ku sugan yihiin.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay