Jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee wadanka Massar ayaa waxay isugu timid xuska sanad guuradii 34 aad ee kasoo wareegtay aas aaskii jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO).

Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galay shacabka waynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Qaahira ee caasimada wadanka Massar waxaana lagu furay sidii caadada inoo ahayd aayado quraanka kariimka ah iyo wacdi diini waxaana intaas kadib lagu daah furay heestii calanka Ogaadeniya.

Xaflada ayaa waxaa qudbad dheer kasoo jeediyay hogaanka warfaafinta ee jaaliyada Mudane Aadan good asagoo ka sheekeeyay taariikhda halganka Ogaadeniya iyo mida Jabhada wadaniga xoraynta Ogaadeniya wuxuuna si aad ah ugu nuux nuux saday dagaaladii gobonimo doonka ahaa ee is xig xigay kuwaas oo soo maray gayiga Ogaadeniya ee gumaysigu haysto.

Waxaa asaguna qudbadka jeediyay gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka massar mudane Cabdinaasir Haye asagoo diirada saaray muhiimada ay lee dahay in la mideeyo shacbi waynaha soomaalida Ogaadeniya waxaa kale oo uu ka waramay ahmiyada ay xiligan u lee dahay shacabka Ogaadeniya inuu gumaysiga u midoobo.

Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso wadani ah iyo dhaantooyin wadani ah waxaana wacdaro ka dhigay kooxda Duufaan Qaran ee xidigaha Ogaadeniya ee dalka Massar.

Xaflada ayaa gaba gabadii waxay kusoo dhamaatay si guul ah.

ONA/Qahira.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay