San Diego, California: Waxaa sidii aan horey warbaahinta idiinku soo gudbinay socdaal hawleed ku joogay magaalada San Diego ee gobolka California, Hoggaamiyaha Abaabulka & Arimaha Bulshada ee JWXO mudane Mohamed Abdi Yassin “Diirrane” isagoo shalay seminar taxane ahaa qaybtii koobaad u soo jeediyey hawl-wadeeno iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida Ogadenia ee San Diego.

Haddaba waxaa maanta duhurkii dib u furmay seminarka qaybtiisii labaad oo nuxurkiisu ahaa macnaha ururnimo, kamid noqoshada urur iyo wajibaadka xubinka ka mid noqonaya urur. Cashirkan ayaa runtii ahaa mid tiigsanaya tusaaloyin iyo faltahyo nidaamsan oo ka midho dhalin kara  habsami usocdka ururka.

Gabagabadii seminaarka ayaa hawl-wadeenadii iyo dhamaan xubnihii ku kala qaateen akhbaarihii ugu dambeeyey sida shaqo qaybsi iyo dardaaran.

Seminarkan aaya ahaa mid mug weyn leh oo wax badan kusoo kordhiyey dhamaan xubnihii ka qaybqaatay isla markaana guul ku dhamaaday.

Abdirahman Hollywood/San Diego, Califoria

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay