Wararka aanka helayno wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in shaqaalihii biya xidheenka Itoobiya ee Abay ay maalinkii sadexaad shaqo joojin kujiraan.

Shaqaalaha ayaa kacaban haya mushahar la,aan, dhaqan xumo iyo ixtiraam la,aan ay kala kulmayaan maamulka ugu sareeya ee biyo xidheenka oo ah dad sida lasheegay lagu keenay qabiil.

Biyo xidheenka Itoobiya ee Abay ayaa waxuu muran xoogan kadhaxdhaliyay dowlada Masar iyo Itoobiya Waxaana dhamaadkii bishii July ladilay madixii mashruuca biyo xidheenka Abay sidoo kale waxaa isla sanadkan ladilay mulkiilihii shirkadii soo saari jirtay sibidhka biyaxidheenka lagu dhisijiray.

Dhanka kale raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa walaac kamuujiyay dhamaystirka mashruucan waxuuna 3 cisho kahor qandaraaskii kala laabtay shirkadii qandaraska kuqaadatay dhismaha mashruucan oo saraakiisha ciidanka  ee Tigreegu lahaayeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay