Xaflad balaadhan oo ay si heer sare ah usoo abaabuleen xubnaha jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka soomaaliya ayaa hada ka socota magaalada Muqdisho, xafladan ayaa waxaa lagu xusaayay sanad guuradii 34 aad ee kasoo wareegtay aas aaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO).

Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan xubnaha jaaliyada saraakiil Jabhadeed iyo Masuuliyiin kamida JWXO, xaflada ayaa waxaa lagu daah furay wacdi diini ah waxaana intaas kadib loo istaagay heesta Calanka Ogaadeniya.

Waxaa sidoo kale madasha xaflada ku sugan Mudane Xildhibaan Muxumed Sheekh Badri (Muxumed Asad) oo kamida masuuliyiinta golaha dhexe ee JWXO waxaana la sugayaa asaga iyo masuuliyiinta kale inay qudbado jeediyaan.

Xaflada ayaa wali si habsami ah u socota waxaana lagu jiraa qudbadihii ay jeedin lahaayeen masuuliyiinta JWXO ee xaflada ku sugan.

Warbixinta oo faah faahsan iyo wixi kasoo kordha dib ayaan idinkala socod siin doonaa.

ONA/Muqdisho.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay