Wararka nagasoo gaadhaya gudaha ogadenya gaar ahaana Magada Jig Jiga ee xarunta gobolka Faafan ayaa sheegaya in saaka shacabka magalada jigjiga ku waabariisteen maydka ruux Soomali ah oo xalay lagowracay,

Goobta ruuxa lagu gowracay ayaa waxaa laga helay buskudka ugaar ah Ciidanka gumaysiga Itoobiya ee Qosharaha loo yaqaano waxayna dadka intooda badan sheegayan inay dilkan gaysteen ciidanka milatariga Itoobiya oo  guud ahaanba amaanka magalada jigjiga gacanta kuhaya,

Ficilkan aragagaxa leh ee saaka magalada jigjiga ka dhacay ayaa waxuu dhaliyay cadho iyo kacdoon shacab Waxaana lasheegayaa inay dadka qaarkii goobihii Ganacsiga xidheen dalbana hayaan in cidii dilka gaysatay bananka lakeeno,

Waxii waree Arintan iyo guud ahaanba xaalada ogadenya halkan kala socda

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay