Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in uu wadahadal ubilowday ururada udhaqdhaqaaqa xoraynta shacabka Oromada kuwaas oo mudo dheer dagaal kula jiray talisyadii hore ee Gumaysiga Itoobiya.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa magaalada Addis Ababa kuwada hadlaya Jabhada Xoraynta Oromada OLF iyo urur udagaalama xoraynta dhulka Oromiya oo lagu magacaabo OFC, waxaana lasheegayaa in ay labada urur doonayaa in ay mideeyaan muruqooda, maskacdooda iyo maalkooda.

Gudoomiyaha Jabhada OLF Da’ud Ibsa iyo Gudoomiyaha Jabhada OFC Dr, Marara Gudina oo kulamo xidhiidh ah ay usocdeen baryihii lasoo dhaafay ayaa lasheegayaa in ay wadahadlkooda hormar kagaadheen, iyagoo sida lasheegayo isla gaadhay sidii shacabka Oromia loogu diyaarin lahaa xoriyad gaadhsiintooda iyo midnimadooda.

Labadan Jabhadood ee Oromada ah ayaa mudo dheer usoo halgamayay xoraynta dhulka Oromada iyo midaynta shacabka Oromada, waxayna labada Jabhadoodba heshiis lagaleen maamulka cusub ee xukuumada Itoobiya, kaas oo wax badan oo danaha shacabka ah ay kawada hadleen.

Labada Jabhadood ayaa haday heshiiyaan lagu wadaa in ay wax badan kabadali doonaan shacabka Oromada oo intooda badan xornimo doon ah, waxaana larumaysan yahay in Jabhaduhu hogaamiyaan inta badan shacabka Oromada oo iyagu ah qoomiyada ugu badan qoomiyadaha Itoobiya dagan.

Kulanka Jabhadaha OLF iyo OFC wixii kasoo baxa kala soco ONA, Insha Allaah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay