Waxaa wali xabsi kuyaala wadanka Boqortooyada Sucuudiga kuxidhan maal qabeenkii Itoobiyaanka ahaa ee asalkiisu Sucuudiga ahaa Maxamed Al-camuudi oo mudo dheer kuxidhan halkaas.

Ninkan tujaarka ah oo ay aad isugu dhawaayeen kooxdii qowlaysatada ahay ee TPLF ee talada wadanka laga tikhaantikhiyay ayaa kamid ahaa shakhsiyaadkii aadka looga necbaa wadanka Itoobiya, waxaana lasheegayaa in uu qaatay dhul aad ubadan oo dad shacab ah ay lahaayeen kaas oo maamulkii TPLF ay gacanta ugaliyeen.

Maalqabeenka ayaa lagu xidhay wadanka Sucuudiga kadib markii amiir sugaha wadankaas uu tujaar badan oo uu Al-camuudi kujiro xabsiga dhigay isagoo ku eedeeyay in ay duminayaan Boqortooyada Sucuudiga.

Hade yeeshee Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa boqorka dalkaas kacodsaday in lasiidaayo maalqabeenkan xidhan oo hanti badani aykataalo wadanka Itoobiya, isla markaana ah shakhsiga ugu lacagta badan guud ahaan Itoobiya.

Inkasta oo codsiga Abiye Axmed la aqbalay hadana majiro wax talaabo ah oo laga qaaday siidaynta Maalqabeenka uxidhan ninka leh dhaxalka boqortooyada wadanka Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan.

Dhinaca kale shaqaalihii Kambaniyadii Al-camuudi ayaa bilaabay mudaharaad iyo shaqo joojin iyagoo halkudhag kadhigtay Free Al-camuuddi, waxayna mar kale Raysal-wasaare Abiye kacodsanayaan in uu raadiyo ninkan maalqabeenka ah ee kuxidhan wadanka Sucuudiga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay