Wararka naga soo Itoobiya gaar ahaan magaalada Addis ababa ayaa sheegaya in booliiska Ismamul magaalaha Addis ababa xabsiga u taxaabay 108 qof oo danbiyo kala duwan lagu soo eedeeyay.

Intiisa badan dadkan lasoo xidhay ayaa lagu eedeeyay inay dhul qawmiyada Oromadu leedahay si sharci daro ah ku haystaan, halka kuwo kale lagu soo eedaynayo haysashada hub si sharci daro ah ay u haysteen oo lagu qabtay.

Meelaha dadkan eedaysaneyaasha ah laga soo qab qabtay ayaa ah dhulkii horay kooxdii gabalkeedu dhacay ee TPLF shirkado iyo ganacsato ka iibsatay kadib markay dadkii lahaa xoog kaga qaateen kana barakiceen, taasi oo dhibaatooyin badan ay ka dhasheen sida kacdoonkii horseeday in TPLF karkaarka la waydaariyo..

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay