Ciidamada Booliska magaalada Amsterdam dalka Holland ayaa toogtay oo dhaawacay nin ku hubeysan mindi oo labo ruux ku weeraray xarun laga raaco tareenada.

Illaa hadda lama oga in falkan uu la xidhiidho argagaxiso balse Booliska ayaa sheegaya in wax walba laga filan karo in uu falkani la xidhiidho balse ay baadhitaan ku sameynayaan. Booliska ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin cabsi kale oo dadka loogaga saarayo xarunta tareenka, balse waxaa la xidhay labo boosteejo oo dadka laga saaray.

Labadii ruux ee ku dhaawacantay weerarkan ayaa la geeyay isbitaal halkaa oo lagu daweeyay, waxayna boolisku xidheen qofkii ka dambeeyay weerarkan oo dhaawac ah. Illaa 250,000 oo rakaab ah ayaa maalin walba waxa ay ku safraan xaruntan uu weerarku ka dhacay iyadoo halkaa laga heli karo tareeno aada garoonka diyaaradaha ee Schiphol Airport.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay