Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in weli halkaasi ay ka sii socdaan boobka lagu hayo goobaha ganacsi ee ay leeyihiin dadka ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ku jirto.

Shalay ayaa ilaa iyo sideed dukaan oo ay lahaayeen Soomaali, Itoobiyan iyo Bangaladheesh lagu bililiqeystay meel 120km u jirta magaalada Cape Town. Habsi iyo walbahaar badan ayaa lasoo daristay ajaanibta ka ganacsata wadanka Koonfur Africa.

Qaar kamid ah ganacsatadii hantidooda lagu boobay toddobaadkan magaalada Soweto ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay cadaadis ku saarto xukuumadda Koofur Afrika, sidii ay wax uga qaban laheyd dhaca iyo burburinta loo geystay ganacsigooda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay