Waxaa kulan muhiima ah isugu yimaaday jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Maraykanka gaar ahaan faraca Seatle Washington, shirkan ayaa sidii caadada inoo ahayd waxaa lagu fur furay aayado quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah.

Shirka ayaa waxaa furay gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya Seatle Halgame Mohamed Deeq wuxuu kasoo jeediyay qudbad uu kaga hadlaayay in maanta ay tahay maalintii shacabka Ogaadeniya uu gacanta is qabsan lahaa sidoo kale laga faa iidaysan lahaa isbadalada guud ee Itoobiya ka dhacay.

Dhanka kale shirka ayaa waxaa looga hadlay qorshaha horyaala jaaliyada Ogaadeniya ee Seatle sidoo kale sidii looga samayn lahaa abaabul xoog badan Seatle iyo aga gaarkeeda.

Shirka ayaa waxaa khadka taleefanka kaga qayb qaatay Halgame Faysal ibrahim oo kamida wuufuudii ururka dhalinyarada OYSU ee aaday gudaha Ogaadeniya asagoo warbixin kooban ku siiyay khadka taleefanka xaalada guud ee uu wadanku ku jiro.

Shirka ayaa waxaa kasoo baxay qodobo muhiim ah waxaana lagu soo gaba gabeeyay si guula ah.

ONA/Seatle.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay