Waxaa hada garoonka Dayuuradaha ee magaalada Addis Ababa kusugan waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO ee baryahan kusugnaa magaalada Addis Ababa, iyagoo shaqo halgan halkaas kahayay.

Waftigan oo uu horkacayo Mudane Xuseen Nuur ayaa hada kusugan qaybta VIP da ee Garoonka magaalada Addis Ababa, waxayna ujahaysteen dhankaas iyo dhulkii hooyo Ogaadeeniya.

Waftiga ONLF ayaa isu qaybiyay labo qaybood iyagoo ukala baxaya dhinaca magaalada Dirdhebe iyo waliba magaalada Jigjiga, waxaana lagu wadaa in ay isla galabtaba gaadhaan goobihii ay ukala ambabaxeen.

Waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO ayaa kulamo layeelandoona madaxda dhaqanka iyo siyaasiyiinta Soomaalida Ogadenia kuwaas oo ay kala hadlidoonaan danaha shacabka Soomaalida Ogadenia iyo mustaqbalka wadanka.

Sidoo kale waftiga JWXO ayaa lakulmidoona shacabka Soomaalida Ogaadeeniya oo aad ugu ooman in ay mar uun horfadhiistaan madaxda Jabhada, iyadoo madaxda Jabhaduna ay u boholyoobeen dadkoodii lakala xayiray ee lakala dayray.

Waftiga ONLF iyo socdaalka Ogaadeeniya kala soco ONA insha Allah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay