Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in 30kii-03-2012 lagu soo rogay bandow kaas oo hakiyay  isu socodkii guud, waxaana xidhmay dhamaan goobihii adeega gaar ahaan ganacsigii.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in dadka ka imaanaya magaalada dibadeeda iyo dad badan oo laga qabqabtay gudaha magaaladaba loo taxaabay xabsiyada iydoo ay hada buux dhaafeen  goobaha uu gumaysigu u samaystay inuu ku ciqaabo shacbiga  dulman.

Arintan ayaa si wayn u taabatay  nolosha guud ee deegaanka oo awalba ahaa mid aad u liita, Miyi iyo Magaalo labadaba  mana jirto cid soo gasha oo dib uga noqotay magaalada  mudadii lagu jiray xaaladan dagdaga ah.

Waxaa kale oo la sheegayaa in xaaladan ay ku keentay dadkii Baadiyaha  ahaa dhibaato gaar ah oo sababtay In xoolo badan   fakadeen ka dib markii  dadkii xanaanayn jiray loo taxaabay xabsiga.

Wararkan nagasoo gaadhay magaalada Dhagaxbuur  ayaa sheegaya in  xaalada guud ee magaalada aan hada la sadaalinkarin, waxa shaki badan laga muujinyaa in arimahan ay keenaan xasuuq iyi tacadiyo kale oo baahsan.

lama oga ilaa hada tirada rasmiga ah ee ku sugan jeelasha cadawga ee magaalada Dhagaxbuur, sidoo kale ayaan la ogayn inta ay sii socon doonto  xaaladan dagdaga ah

Bulaale

Dhinaca kale 30/3/12 ayaa waxaa ceelka bulaale lagu dilay alle ha u naxariistee  maxamed sheikh cabdi waxaa kale oo aan ilaa hada la hayn meel uu ku danbeeyay nin la socday marxuumkaa oo lala qabtay , nikaas la layahay ayaa magiisa lagu sheegay fadxi  cabdulaahi  lacag

Waxaa kale oo jira  dad kale oo lagu xidhxidhay  meelo kale  waxaana ka mid ah

24/3/12 waxaa lagu xidhay magaalada  dhagaxmadow

Saynaba axmed daahir

23/3/12 waxaa lagu xidhay magaalada  Garbo

Yuusuf  sacdi geedi

Ubax xasan raabi

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay