Dowlada Israel ayaa soo dhaweysay talaabadii dowlada Mareykanka ay ku jartay gargaarkii Qaramada Midoobay (QM) ay u marsiin Jirtay qaxootiga Falastiin ee dalka gudihiisa ku barokacay.

Dowlada Mareykanka ayaa Jumcihii waxay ku dhawaaqday in si taxadar uu ka muuqdo markii dib u eegis lagu sameeyay ay go,aansatay in la Jaro gargaarka Falastiin. Go,aanka maamulka Trump uu ku jaray $300 million oo qaramada midoobay u marsiin jiraya Mareykanka shacabka reer falastiin ayaa waxaa uu soo taxnaa 70 kii sano ee la soo dhaafay.

Hey,ada gargaarka iyo cunada u qaabilsan QM oo loo yaqaan (UNRWA) ayaa ku tilmaantay talaabadan Mareykanka mid ka dhan ah dad aan waxba galabsan.

Xukuumada Israel ayaa taageertay talaabada Mareykanka waxaana ay tilmaantay in dhaqaalahan uu qeyb ka ahaa xasarada ka taagan Bariga Dhexe sida uu sheegay afhayeenka xafiiska,ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu.

Madaxweyne Trump ayaa horay ugu dhaleeceeyay xukuumada Washington gargaarka ay u fidiso falastiin oo uu tilmaamay in uusan aheyn mid looga ixtiraamo Bariga Dhexe.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay