Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in shaqadii laga caydhiyay mas’uuliyiintii ugu saraysay ururka suxufiyiinta Itoobiya, kuwaas oo sida lasheegay lagu soo oogi doono dacwad.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa shaqadii laga caydhiyay gudoomiyihii ururka suxufiyiinta Itoobiya iyo kuxigeenkiisii kuwaas oo mudo 8 sano ah kumagacownaa xilka shalay laga eryay.

Warka ayaa intaas kudaraya in xilalkaas labaneeyay loomagacaabay labo qof oo kale kuwaas oo sida lafilayo wax badan kabadali doona warbaahinta iyo wariye yaasha Itoobiya, kuwaas oo magac ahaan uun ujira.

Inkasta oo aysan xukuumadu cadaynin sababta ay mas’uuliyiinta ururka xilalkoodii ugaqaaday hadana waxaan lasoconaa in ay xukuumada cusub baryahan waday xilka qaadis iyo xil magacaabis, iyadoo sida muuqata meesha kasaaraysa xukuumadii hore ee wadanka habeenka galisay iyo dadkii lashaqayn jiray.

Ururka suxufiyiinta Itoobiya ayaa ahaa mid musame ama magacow ah mana jirin saxaafad iyo suxufiyiin xor ah oo xaqiiqada qora ama kahadla, mana jirin howl ay dadwaynaha uhayeen shakhsiyaadkan lacaydhiyay oo mudo dheer xilkan kumagacownaa.

Dhinaca kalewaxaan la ogayn waxa ay soo kordhin karaan mas’uuliyiinta cusub ee lamagacaabay, kuwaas oo sida lafilayo ay hortaalo howl adag iyagoo meel ebar ah wax kabilaabi doona.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay