Jabhada Ginbot 7 oo kadagaalami jirtay Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa maanta wadanka soo galisay ciidamo aad ubadan oo kamid ah dagaal yahanadeedii.

Ciidamada Jabhada Ginbot 7 ee maanta soogalay wadanka ayaa kuhubaysnaa noocyada kala duwan ee hubka, waxaana la arkayay iyagoo wata gaadiid isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa xamuulka.

Ciidanka Jabhada Axmaarada ee soogalay ayaa kayimid dhinaca wadanka Eritrea oo mudooyinkii lasoo dhaafay lagu tababarayay, waxaana lasheegayaa in ay soobaneeyeen xeryahoodii Eritrea.

Jabhada Ginbot 7 ayaa heshiis lasixiixatay xukuumada Cusub ee Itoobiya, taas oo dhamaan Jabhadihii hubaysnaa ugu baaqday nabad iyo wadahadal, waxayna heshiis kugaleen magaalada Casmara ee Wadanka Eritrea.

Madaxdii Jabhada ee xabsiyada Itoobiya kujirtay ayaa lasiidaayay halka ciidan aad ubadan oo xidhxidhnaana loosiidaayay, sidoo kale waxaa dhawaan wadanka soogali doona madaxdii Jabhada Ginbot 7 oo Soo dhawayntoodii lagu jiraa.

Ciidankan soogalay ayaa lasheegayaa in ay dagi doonaan goobo loogu talagalay iyagoo kaqayb qaadan doona amaanka wadanka iyo abaabulka dadkooda.

Xukuumada cusub ee Abiye Axmed uu hogaamiyo ayaa balan qaaday in ay badali doonaan dhaqankii Itoobiya looga bartay ee qalafsanaa isla markaana ay lahadli doonaan cidkasta oo kasoo horjeeda.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay