Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO ee gaadhay magaalada Dirdhebe ee galbeedka wadanka ayaa kulankoodii ugu horeeyay layeeshay duqa magaalada Dirdhebe mudane Ibraahim Cusmaan iyo xubno katirsan maamulkiisa.

Waftiga Jabhada ONLF oo uu hogaaminayo Hogaanka Qorshaynta iyo Cilmi Baadhista Halgame Xuseen Maxamed Nuur, ayaa duqa magaalada Dirdhebe laqaatay kulan saacado badan socday.

labada dhan ayaa fikiro badan oo ay iswaydaarsadeen qaatay qorshayaal muhiim ah oo dan u ah dalka iyo dadka soomaaliyeed ee Itoobiya kuhoos jira, waxayna isla sooqaadeen qodobo aad muhiim u ah.

arinta ugu wayn ee hoosta laga xariiqay ayaa ahayd in laga shaqeeyo Midnimada iyo walaaltinimada dadka aan kala maarmaynin ee mudada dheer lagu kala dhex jiray, waxayna labada dhanba isla qaateen in laga shaqeeyo xasiloonida, hormarka iyo Midnimada.

Waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO ayaa lagu wadaa in ay kulamo muhiim ah laqaataan dad muhiim ah oo uu kujiro Ugaaska Deegaanka oo ah nin magacwayn kudhex leh Soomaalida.

Waftiga JWXO iyo socdaalkooda Ogaadeeniya kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay