Waxaa maalintiisii labaad si habsami ah u socda shirkii ururka dhalinyarada OYSU ee qaarada yurub shirkan oo soo bilaw day maalintii shalay ahayd ayaa wuxuu galay maalintiisii labaad waxaana socota doodo ku saabsan marxalada maanta ee halganka Ogaadeniya ku sugan yahay iyo doorka ay ururka dhalinyarada iyo ardayda Soomaalida Ogaadeniya ay ku lee yihiin.

Shirkan ayaa wuxuu ka socda magaalada Oslo ee wadanka Norway wuxuuna soo gaba gaboobi doonaa hadii eebe yidhaahdo maanta galinkeeda danbe.

Shirkan ayaa sidoo kale diirada lagu saaraya sidii loosoo balaadhan laamaha ururka dhalinyarada ee daafaha aduun sidoo kale xooga loosoo saari lahaa ururka dhalinyarada sidii loo gaadh siin lahaa dagmo iyo tuulo walba oo wadankeena ah.

Shirka ayaa waxaa laga dhursugayaa ina kasoo baxaan qodobo dhaxal gal ah kuwaasi oo saldhig u noqon doona wax qabadka ururka dhalinyarada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay