Waxaa maanta lagu soo dhaweeyey guriga ugaaska guud ee beesha ciise Ugaas Mustafe Mohamed Ibrahim wafdi ka socda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya ee (JWXO) oo armimo midnimada iyo xoojinta halganka ogadenya ujooga magalada Diridhaba ee galbeedka Ogaadeniya.

Gudoomiyaha wafdiga JWXO mudane Xuseen Nuur ayaa wuxuu ugaaska gudoonsiiyay hadiyado aad u qiimi badan oo loogu tala galay ugaaska, intaas kadib gudomiyaha wafdiga JWXO Halgame Xuseen Nuur ayaa waxuu ugaaska uga waramay ujeedka ay uyimaadeen magalada Diridhaba iyo gobolka Shiniile oo ah ka Shaqaynta midnimada iyo iskuxidhka guud ahaan shacabka somaliyeed ee Gumaysiga Itoobiya ku hoos nool iyo  siday umada somaliyeed ugu madax banaan lahayd aayo katashigooda iyo mustaqbalkoda.

Intaas kadib ugaaska guud ee beesha Ciise ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay Booqashada wafdiga ONLF waxuuna yidhi ku soodhawaada magaladiina iyo gurigiina, waxuuna sheegay inuu aad ula dhacsanyahay garabna taaganyahay aragtida ururka ONLF.

Ugudanbayn Wuxuu ugaasku ballan qaaday inuu taageerayo  hadafka ururka ee ku dhisan in somali xor u noqoto aayahadooda oo aan loo yeedhin wax aanay doonaynin, raalina ka ahayn.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay