Waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee kusugan magaalada Dirdhabe ayaa kulan balaadhan layeeshay suldaanka beesha Gurgure iyo odayaasha beesha ee kudhaqan magaalada Dirdhabe.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa dhinaca waftiga JWXO hogaaminayay Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo ah Hogaanka Qorshaynta iyo Cilmi Baadhista ee JWXO.

Dhinaca beesha Gurgure waxaa horgacayay Suldaanka Beesha Mudane Cabdi Cusmaan Cali waxayna labada dhinac kawada hadleen qodobo dhowr ah oo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee kudhaqan wadanka Ogadenia.

Waftiga JWXO ayaa ugu horaynba kawarbixiyay ujeedada socdaalkooda iyo sida ay uraadinayaan Soomaali oo mid ah oo isku waxna dilo isku waxna nooleeyo, waxayna waftiga JWXO sheegeen in uu kulanka beeshu muhiim uyahay.

Dhinaca kale Suldaanka beesha Gurgure ayaa gacmo furan kusoo dhaweeyay waftiga JWXO isagoo sheegay in uu dareemay wanaag iyo isjacayl soomaali dhexdeeda ah oo uusan awal arki jirin, wuxuuna suldaanku siwayn utaageeray mabaadiida JWXO iyo qorshayaasha wanaagsan ee ay mashquulka kuyihiin.

Guntii iyo gunaanadkii labada dhinac ayaa isla gaadhay is afgarad balaadhan iyagoo kubalamay in ay wada shaqeeyaan kana wada shaqeeyay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee kuhoosjira xukunka Itoobiya.

Lasoco waftiga JWXO ee Dirdhabe iyo hadba meesha uumarayo Isha kuhay ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay