Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey ayaa sheegaya caafimaad xumo baahsan oo kuhabsatay shacabka kudhaqan guud ahaan Gobolka Tigrey gaar ahaan magaalada Maqale.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa magaalada Maqale iyo nawaaxigeeda kadilaacay daacuun caloole siwayn usii fidaya kaas oo sida lasheegayo sooritay dad kor udhaafaya 50 kun oo qof oo shacabka Tigreega ah.

Dadka uu daacuunku sooritay ayaa lasheegayaa in aysan helin wax kaalmo ah oo dhinaca maamulka Gobolka Tigrey kasoo gaadhay iyo waliba wax kasoo gaadhay dhinaca xukuumada Addis Ababa.

Nin katirsanaan jiray hogaanka sare ee TPLF oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in maamul xomo iyo musuq maasuq baahsan oo Gobolka Tigrey kajirta ay sababtay cudurkan, wuxuuna mas’uuliyada dhalada usaaray maamulka Gobolka Tigrey oo hada umuuqda mid daalan.

Dhinaca kale xukuumada fadaraalka Itoobiya ee fadhigeedu yahay Addis Ababa, iyo maamulka Gobolka Tigreega ayaa isku si uga aamusan masiibada ku habsatay shacabka Tigrey, mana jiro ilaa hada wax mas’uul dowladeed ah oo arintan soohadal qaaday ama caawimaad loofidiyay toona.

Musuqa ayaa wadanka Itoobiya ka hana qaaday, wuxuuna musuq maasuqu siixoogaystay sanadihii ugu dambeeyay oo ahaa kuwo maamulkii TPLF uu xoolo uruursi bilaabay iyagoo iska iloobay danihii shacabka.

Gobolka Tigrey oo ah meesha dhibaatooyinka laga soo sheegayo ayaa larumaysan yahay in uu ahaa midka ugu dhaqaalaha iyo hormarka badan guud ahaan marka la isku daro wadanka Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay