Wararka ka imanaya Itoobiya ayaa sheegaya in ciidanka booliska Federal Itoobiya xabsiga u taxaabay 9-aal sargaal oo ka tirsan hay,ada maamusha hawada Itoobiya oo maalmahan shaqo joojin kujiray.

27-kii bishii  dhamaatay ee August waxaa shaqo joojin ay mushahaar yari iyo daryeel xumo kaga cabanayaan bilaabay Shaqaalaha hay,ada maamusha hawada Itoobiya. Hadaba taliska Itoobiya ayaa intuu cabashada Shaqaalaha wax kaqaban lahaa waxa uu xabsiga dhigay 9 kamid ah madaxa hay,ada.

Warar hoose ayaa sheegaya in taliska Itoobiya ka shakisanyahay cida kadanbaysa shaqa joojinta iyo waxa xiligan ku soo beegay, dadka qaar ayaa farta kufiiqaya ururka TPLF oo talada dalka laga faro maroojiyay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay