Guddiga doorashooyinka Itoobiya, National Electoral Board of Ethiopia ee magaciisa loosoo gaabiyo (NEBE) ayaa waxuu maanta wada hadal la yeeshay qaar kamid ah hogaamiye yaasha xisbiyada siyaasadeed ee Itoobiya, wuxuu gudiga doorashooyinka Itoobiya ubalan qaaday xisbiyada mucaaradka ah inay qaban doonaan doorasho xor iyo xalal ah oo hufan.

Itoobiya waa wadan aan Waligii habayaraatee doorasho  xor ahi kadhicin waana wadan caan ku ah marin habaabinta shacabka ku shubashada doorashooyinka iyo afganbiga, waxaana 27 kii sano ee udanbeeyay gacanta ku hayay ururka TPLF  oo ah urur dhigmiirata ahaa shucuubta itoobiya ee ku hoos noolna ciqaab iyo cabudhis badan soomariyay.

Hadaba tan iyo intuu xilka lawareegay raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiye Ahmed waxaa Itoobiya ka socda Isbadalo waa wayn oo lagu badalayo siyaasadii xooga ku dhisnayd ee Itoobiya, waxuuna raysalwasaaraha Itoobiya balan qaaday in 2020 ka doorasho xor iyo xalal ah Itoobiya ka dhici doonto sanduuqana lagu kala bixi doono, Shucuubta Itoobiya ku hoos nool iyo bulshada caalamka ayaa Siwayn indhaha ugu haya xaalka guud ee Itoobiya oon lasaadaalin karin meesha uu ku danbayn doono

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay