Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka furmay Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Waxaa shirka si rasmi ah u furay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axamed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo shirka marti-gelinaya. Shirkan ayaa daba socda shirar hore oo ay wada yeesheen masuuliinta Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Madaxda ayaa Khudbadihii furitaanka ee ay halkaa ka jeediyeen ku dhaleeceeyay dowladda Soomaaliya, iyagoo ku dhaliilay amaanka oo ay sheegeen inaysan wax weyn ka qaban, iyo in aysan fulin ballamaddii iyo heshiisyaddii ay horey ula gashay maamul goboleedyada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay