Wararka naga soo gaadhaya wadanka Eritrea ayaa sheegaya in dekada musawac ee dalka Eritrea uu kusoo xidhay markab Itoobiya leedahay oo ka yimid boqortooyada Sucuudiga.

Markabkan oo magaciisa layidhaahdo mekale ayaa waxa uu sidaa, kowya Toban kun (11,000 ) oo tan oo alaab ah oo lacag ahaan u dhiganta 618,825 doolar ka maraykanka ah, waxa uuna alaabta uwadaa dalka Shiinaha.

Itoobiya ayaa waxay leedahay 12 markab oo kaargoo ah iyo 2 koonteenarada qaada, waxaana lacagta maraakiibtan lagu sameeyay dayn ahaan Itoobiya usiiyay dowlada Shiinaha, oo hada kawalaacsan say lacagta Itoobiya kagashay dib ugu heli lahayd.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay