CWXO ayaa  weeraro uu ku qaaday  bishii March dabayaaqadeedii  fadhiisdimooyin ay leeyihiin ciidamada cadawga waxa uu ku gaadhsiiya khasaare balaadhan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaaladan oo isugu dhafnaa weeraro habaysan mir habeenimo iyo kamiin maalmeed ayaa dhamaan waxay u fuleen habkii loo qorsheeyay.

Dagaaladan ayaa ciidanka JWXO waxay cadawga kagala wareegeen hub iyo saanad milatari oo kala  duwan, waxayna u kala dhaceen goobaha soo socda;

31/3/12 weeraro lagu qaaday  deeganada Odolla iyo  Shiniile oo  ka wada tirsan degmada Qabri-dahar ayaa cadawga waxaa lagag dilay  9 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay

26/3/12  dagaal ka kala  dhacay Xaaj-Mur  oo ka tirsan degmada Baabili iyo Qansaxlay oo ka tirsan degmada Garbo ayaa  waxaa ciidanka cadawga looga dilay 5 askari  iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaadhay .maalinka dib 27/3/12 weerar  xoogan oo lagu qaaday meesha loo yaqaan Xaaji-Mur oo ka tirsan  degmada Baabili ayaa waxaa ciidanka cadawga lagag  dilay  in ka badan 15 askari waxaana looga dhaawacay 27 kale  isla taariikhdan  ayaa ciidanka cadawga degmada Dhuxun fal gaadmo ah looga dilay hal askari 2 kalana loogaga dhaawacay .

24/3/12 weerar lagu qaaday Gaashaanka oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur ayaa waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  7 askari waxaana lagaga dhaawacay 5 kale

Sidoo kale 29/3/12 ayaa  dagaal ka dhacay Karin-dheere oo ka tirsan degmada Qabridahar waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  4 askari waxaana looga dhaawacay 7 kale

Dhinaca kale waxaa jira dagaalo badan oo aan ilaa hada laga hayn faahfaahi buuxda kuwaas oo u badan mir habeenaad. Dagaaladan ayaa waxay ka kala dhaceen deegaanada kala ah; Ceel-xaar, Sanxaskule, Aadaamo, Galgalooli, Caado iyo Shabeelay. Dagaaladaa ayaa waxay kala dhaceen intii u dhaxaysay 24kii ilaa 31kii bisha 3aad ee 2012 waxaana cadawga loogu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidanka jabhadda ayaa wacad ku maray in  ay cudud  xoog leh kaga kiciyaan cadawga ku jooga dalkooda hooyo ,islamarkaana u balanqaaday shacbiga ogaadeenya inay u hurayaan dhiigooga sidii ay ku heli lahaayeen  xoriyadooda .

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay