Wararka naga soo gaadhaya wadanka Eritrea ayaa sheegaya in Itoobiya saaka dib u furtay safaaradii ay ku lhayd casimada dalka Eritrea ee Casmara,

Furitaanka safaarada Itoobiya ayaa waxaa kaqayb galay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed iyo madaxwaynaha Eritrea Isaias Afwerki . Eritrea iyo Itoobiya ayaa xidhiidhka diblomaasiyadeed kalagoostay sanadii 1998-dii waxaana labada wadan dhexmaray dagaal khadhaadh oo boqolaal kun oo qof ay ku dhinteen.

Balse tan iyo intii uu xilka lawareegay raysalwasaare abiye Ahmed waxaa soo hagaagaya xidhiidhka labada dal ee dariska ah.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay