Waaxda arrimaha tamarta iyo jaangoynta qiimaha shidaalka (ERC) ee dalka Kenya ayaa ruqsada kala laabtay shirkadda madaxa bannaan ee qaybisa shidaalka (KIPEDA), ka dib markii lagu soo eedeeyey inay hor kacaysay mudaharaad looga soo horjeedo canshuur cusub oo lagu soo rogay qiimaha shidaalka.

Gawaadhida ay leeyihiin shirkadaha qaybiya shidaalka ee la safan KIPEDA ayaa maalintii Isniinta ahayd wax howlgal ah aanan sameynin. War bixin ay soo saareen Axaddii ururka ay gaadiidlayda Kenya ku midoobeen oo uu saxiixay madaxa ururka Peter Murima ayaa lagu yiri “waxaan dhamaan gaadiidlayda ugu yeeraynaa inay muujiyaan dareenkooda Isniinta iyo Talaadada..”

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay