Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in dabagal balaadhan lagu hayo shirkada METEC oo ay lahaayeen saraakiil sarsare oo ciidamada Itoobiya katirsan.

Shirkada METEC oo kashaqayn jirtay dhinaca dhismaha ayaa soosaari jirtay biraha waawayn iyo qalabka kale ee dhismaha waxaana shirkada lasiin jiray qandaraasyada waawayn oo wadanka laga fulin jiray, gaar ahaan kuwo xukuumada Itoobiya.

Shirkada METEC ayaa lagusoo waramayaa in ay musuq maasuq balaadhan kusamaysay dhismihii wabiga Nile, halkaas oo qandaraas lagusiiyay biraha waawayn ee dhismaha iyo qalab kale oo dhinaca dhismaha biyo xidheenka ah, waxaana lasheegayaa in ay shirkadu lunsatay lacag malaayiin doler ah oo hormaris ahaan loosiiyay iyadoo aan wax shaqo ah qabanin.

Saraakiishii ciidamada ee shirkada lahaa ayaa lasheegayaa in ay intooda badan ka ruqsaysteen shirkada si aan loogu qaadin dacwado musuq maasuq, waxayna isu badaleen ganacsato shibil ah (shacab ah).

Hase yeeshee baadhitaanka guud ee xukuumada cusub ee Abiye Axmed ay amartay ayaa lagu wadaa in uu saamayn doono xubnahan ciidamada katirsanaan jiray ee sida naas nuujinta ah loosiin jiray qandaraasyada, kuwaas oo sida lasheegayo lunsaday Malaayiin Doller.

Wadanka Itoobiya ayaa sanadihii lasoo dhaafay noqday wadanka ugu musuqa badan qaadara Africa, waxaana hantida shacabka kutakri fali jiray saraakiil sar sare oo ciidamada ah iyo waliba wasiiro.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay