Wararka nagasoo gaadhaya magaalada Adiss Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in booliiska fadaraalka Itoobiya shaaciyay natiijada baadhitaankii lagu sameeyay dilkii ingjineerkii biyo xidheenka Abay oo magaciisa la odhan jiray Simegnew bakele.

Booliska fadaraalka Itoobiya qaybta danbi baadhista ayaa warbaahinta usheegay in baadhitaan dheer kadib ay soo Ogaadeen in injineer simegnew uu asgu isdilay xabadana isagu isku dhuftay waxayna sheegeen in bistoolada gaadhigiisa laga dhex helay uu asagu lahaa.

Dilka injineerka ayaa waxuu shaki wayn kala dhaxdhigay laamaha dowlada Itoobiya iyo waliba qomiyadaha Amxarada oo uu kadhashay iyo Oramada hada xukunka haysa, Shaacinta natiijada maanta ee ah inuu asagu isdilay ayaad moodaa inayna Amxaaradu kuqanci doonin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay