Waxaa maanta magalada jigjiga kulan balaadhan isoogu yimid dhalinyarada kasoo jeeda gobolka Nogob waxayna dhalinyaradu  kulankooda kaga arinsadeen Siday ula jaanqaadi kahaayeen Isbadalada ogadenya kasocda iyo sidii bulshada somaliyeed loomidayn lahaa, gacamahana laysku qabsan lahaa.

Falanqayn iyo tashi dheer kadib Waxay dhalinyaradu islaqaateen dhowr doqob oo kala ah kashaqaynta midnimada iyo iskuxidhka guud ee shacabka somaliyeed gaar ahaan gobalka Nogob, garab istaaga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya ee (JWXO) qabashada shirar Dadwaynaha  lagu wacyigalin hayo oo dhamaan gobolka Nogob heer gobol ilaa heer tuulo kadhaca.

Waxaa sidookale shirkan dhalinyarada gobolka Nogob qabsadeen kasoo qaybgalay gudoomiyaha ururka dhalinyarada iyo ardayda soomaalida Ogaadenuya Mudane Shaafi Shilaabo oo matalayay ururka dhalinyrada (OYSU) oo hadalo dhirigalin iyo bogaadin ah shirka kasoo jeediyay.

Dhalinyarada ayaa waxay ku balansan yihiin kulan heer sare ah dhawaan ku qabtaan magaalada jig jiga kaas oo ay kasoo qayb gali doonaan aqoonyahanka gobolka Nogob iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

ONA/Jig Jiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay