Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea ayaa Shalay gaadhay heshiis hor dhac ah oo u Gogol-xaadhaya in lasoo Af-jaro colaaddii muddo ka taagnayd xadka ay wadaagaan labada dal.

Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera, taas oo keentay in ay xukuumadda Casmara kula wareegto cudud Ciidan, kuna Af-duubato Askar Reer Jabuuti ah.

Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Itoobiya oo ka mid ahaa Wafdigii Shalay gaadhay Jabuuti ayaa boggiisa Facebook-ga ku sheegay in ay aad ula dhacsan yihiin sida ay wax ku socdaan iyo isu soo dhawaashaha Labada Dowladood.

Wadahadallada dhinacyadaasi ka dib ayay Wasiirrada Arimaha dibadda Soomaaliya, Itoobiya, Eretrea iyo Jabuuti oo wada jira waxay kulan gaar ah la qaateen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna si weyn usoo dhoweeyay dadaallada dib u heshiisiineed ee ay wadaan Madaxda Gobolku.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Eritrea, Yemane Gebremeskal ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu u muujiyay in ay diyaar u yihiin in la gaadho dib u heshiisiin iyo in la wanaajiyo xidhiidhkii Jabuuti iyo Eretrea.

Wasiirka Arimaha Dibadda Eretrea Cusmaan Saalax, ayaa sheegay in ay Dowladdiisu ka go’an tahay in ay heshiis waara la gaadho Jabuuto, lana dhameeyo wixii mad-madoow ah ee u dhexeeyay. Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa isna sheegay in ay ka run sheegayaan in ay muujinta heshiis dhab ah oo ay gaaraan Dalkiisa iyo Eretrea, iyo xal ka gaadhista xaalad kasta oo Gobolka ka taagan.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay