Saraakiisha sar sare ee maamulka Trump ayaa iska fogeeyey in ay qoreen maqaal lagu daabacay wargeyska New York Times kaas oo qofka qoray uu magaciisa qariyay.

Maqaalkaas ayaa lagu dhaliiley qaabka hogaamineed ee madaxweyne Trump oo lagu tilmaamey mid aan saameyn laheyn oo aan shaqeyn.

Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo oo hadlayay isagoo ku sugan dalka India ayaa sheegey in maqaalkaasi yahay mid laga xumaado, isagoo sidoo kale xusay in qoraalkaasi yahay mid ay warbaahintu ku xaqireyso maamulka jira isagoo si weyn u qasaya xaalada.

Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ayaa xafiiskiisa uu sheegey in qoraaalkaasi uu ahaa mid uu aad heerkiisu u hooseeyo. Agaasimaha sirdoonka qaranka Dan Coats ayaa isna soo saarey war qoraal ah oo ayuu ku sheegey in wararka la isla dhexmaraayo ee ah in isaga ama ku xigeenkiisa uu qoraalkaas ka danbeeyo ay tahay mid been ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay