Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga aduunka ayaa bilaabaya mashruuc lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Mashruucan oo loogu magac daray (SURP)ayaa dowlada federaalka iyo bankiga aduunka waxa ay sheegeen in ay ku baxayso lacag dhan 9 Million oo dollar. Mashruucan hadii uu fulo waxaa uu noqonayaa hindisihii ugu horeeyay ee imtixaan rasmi ah lagu marinayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo ayaa ka faa’ideysanaya mashruucan sababaha loo doortay magaalooyinkanna waxaa lagu sheegay in ay ku badan yihiin dadka ku soo noqonaya ama ku soo barakacaya.

Mashruucan ayaa kusoo aadaya xili dowladda Jarmalka ay sheegtay inay horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya ku bixin-doonto lacag gaaraysa 23.4 million oo Yuuro.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay