Waxaa hada magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya kusoo dhamaaday kulan heer sare ah oo ay yeesheen saraakiil sarsare oo katirsan dowlada Itoobiya iyo madax katirsan Jabhada ONLF.

Kulanka oo hada uun dhamaaday waxaa wada galay Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desaleng iyo xubno katirsan waftigii JWXO ee kusugnaa magaalada Addis Ababa, kuwaas oo uu hogaaminayay mudane Cabdiqaadir Sh Xaasan Hirmoge (Cadaani).

Kulanka madaxda labada dhinac dhex maray ayaa lagaga wada hadlay qodobo dhowr ah waxaana si qoto dheer looga munaaqashooday qadiyada Ogadenia iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa, taas oo labada dhinacba waa Itoobiya iyo ONLF e ay muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin.

Hailemariam Desaleng oo ahaa Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya ayaa sumcad iyo miisaanba kuleh siyaasada Itoobiya, wuxuuna Desaleng noqday hogaamiyihii ugu horeeyay Itoobiya ee sinabad ah xilka uga daga, taas oo uu kuhelay sumcad wayn.

Madaxda JWXO oo kalahaa Afhayeenka JWXO Mudane Cadaani Hirmooge, kuxigeenka Hogaanka Warfaafinta Xildhibaan Cali Samare Sigad, iyo Mudane Axmed Yaasiin Jaamac Qaasim oo ah aqoonyahan udhashay wadanka Ogadenia.

Labada dhinac ayaa isla afgartay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin dar dar galinta wadahadaladii udhaxeeyay ONLF iyo Itoobiya iyo xal uhelida shacabka Soomaalida Ogadenia iyo guud haan qadiyada Ogadenia.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa kusoo dhamaaday is afgarad waxayna labada dhinac isla meel dhigeen qodobo muhiim ah.

Dhinaca kale waxaa goordhaw gagida dayuuradaha ee Addis Ababa kaduulaya wafiga JWXO ee shaqada ujoogay Addis Ababa, waxayna kuwajahan yihiin magaalada Dirdhabe oo uu bari kafurmidoono shirwaynaha Soomaalida ee ay qabanayaan Isbahaysiga Soomaaliyeed ee Xoriyada.

Shirka Isbahaysiga Soomaaliyeed ee Xoriyada ayaa bari hadii Alle idmo kafurmidoono Triangle Hotel oo kuyaala magaalada Dirdhabe.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay