Waxaa magalada Nairobi ka qabsoomay Shir balaadhan oo ay qabatay jaaliyada ogadenia ee Nairobi kaasoo ah Shirkii caadiga ahaa ee jaaliyadu qaban jirtay labadii biloodba hal mar.

Shirka ayaa waxaa lagu furay sidii caadada inoo ahayd aayadaha quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah, Shirkan oo ahaa mid shucuur gaara xanbaarsan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuliyiin kamida jabhada wadaniga xoraynta Ogaadeniya (JWXO) oo uu ugu horeeyo Naftiihure Sulub Cabdi Ahmed oo madasha kasoo jeediyay qudbad aad uqiima badan oo dhaqaajisay dhiiga xubnaha Shirka joogay.

Sidoo kale Naftihure sulub cabdi Ahmed ayaa xubnaha Warbixin guud kasiiyay xaalada guud ee halganka Ogaadeniya iyo Marxalada Siyaasiga ah geeska afrika gaar ahaana Itoobiya iyo ogadeniya.

Gaba Gabadii Shirka ayaa kusoo dhamaaday si guul ah waxaana xubnuhu isku balan sadeen in lasii laban laabo halganka Ogaadeniya.

ONA/Nairobi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay