Shirkii madaxda maamul goboleedyada uga socday magaalada Kismaayo ayaa lasoo gaba gabeeyay.

Shirka oo warmurtiyeed laga soo saaray ayaa waxaa qodobadii madaxda ay isla garteen kamid ahaa in la hakiyo wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowlada federaalka Soomaaliya taasoo micneheedu yahay in xidhiidhkii loo jaray dowlada dhexe ee dalka.

Hakinta xidhiidhka madaxda maamulada ay la lahaayeen dowlada federaalka ayaa dab kusii shideysa khilaafka siyaasadeed ee baryahan u dhexeeyay madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada iyadoona aan la mahadin doonin go’aankan ay qaateen madaxda golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay