Waxaa magaalaada Basra ee koonfurta dalka Ciraaq ka socda dibadbaxyo rabshado wata oo ay dadka kaga soo horjeedaan dowladda.

Ayatollah Ali Sistani, oo ka mid hogaamiyayaasha Shiicada ee dalka Ciraaq ayaa rabshadahani ku eedeeyay dowladda. Waxa uu ku baaqay in maamul cusub la dhiso kaasi oo ka duwan maamuladii horey dalkaasi uga arrimin jiray.

Siyaasiyiinta Ciraaq ayaa la daalaa dhacaya sidii ay u soo dhisi lahaayeen dowlad shaqaysa ka dib markii doorashdii dalkaasi ka dhacday uu xisbana ku soo bixi waayay aqlabiyada.

Dhismooyiin dheeraad ah ayay weerar ku qaadeen dibadbaxayaasha, waxaana ka mid ah goobaha la weeraray qunsuliyadda Iiraan oo dab la qabadsiiyay. Mid ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa toogasho lagu dilay.

Xukuumadda Ciraaq ayaa bandow ku soo rogtay magaalada Basra, islamarkana ciddii waddooyiinka lagu arko 9 habeenimo ka dib waxa ay wajahaysaa Xarig. Dibadbaxayaasha magaalada Basra ayaa ka cabanaya adeegyada dowladda oo liita sida biyaha iyo korantada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay