Bayaan kasoo baxay Ururka Dhalinyarada ee Gobolka Sidama oo lagumagacaabo Ejjeetto ayaa siwayn loogu canbaareeyay amaan xumada baahsan ee kajirta guud ahaan Gobolka Shucuubta Koonfureed ee Itoobiya gaar ahaan magaalada Hawasa ee xarunta Gobolka.

Sida bayaanka lagu qoray dhalinta Gobolka Sidama ayaa siwayn uga soo horjeeda falalka amni xumada ah ee hadhiigii TPLF iyo kuwa u adeega ay kawadaan Gobolka waasida ay hadalka udhigeen e, waxayna dhalintu aad udhaliileen maamul kusheega Gobolka kajira oo ah mid ay kooxdii TPLF magacowday.

Bayaanka kasoo baxahay Dhalinta Sidamo ee Ejjeetto ayaa lagu sheegay in Gobolka Shucuubta Koonfurta Itoobiya uu kamid yahay meelaha ugu amaanka xun guud ahaan wadanka, waxayna arintaas kumacneeyeen kooxda TPLF iyo taliskii wayaanaha oo wali lug wayn ku leh Gobolka.

Dhalinta Ejjeetto ayaa maamulka cusub ee wadanka Itoobiya uu yeeshay kacodsatay in ay wax kaqabtaan amaan xumada magaalada Hawasa iyo guud ahaan Gobolka oo baryihii lasoo dhaafay ay kadhacayeen dagaalo iyo dhibaatooyin waawayn.

Sida aan lawada socono waxaa todobaadkan Gobolka kadhacay dagaalo waawayn oo udhaxeeya qoomiyado halkaas wadadaga, halkaas oo dad badani ay kudhinteen, waxaana lagubay hanti aad ubadan.

Dowlada cusub ee Abiye Axmed uu hogaamiyo ayaan wali kuguulaysanin in ay wax kaqabato dagaalada kasocda xuduudaha qoomiyadaha waxayna dowladu kumashquushay siyaasada arimaha dibada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay