Maanta oo ay bishu tahay 09/09/2018 waxaa magaalada Dire Dhaba ka dhacay shir balaadhan oo ay qabteen isbahaysiga Somali Coalition For Freedom (SCF) shirkaas oo ahaa mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee Magaalada Dire Dhaba, waxaana xusid mudan inuu hoolku dadkii qaadi waayay, hotelka ama hoolka loogu talagalay inuu shirkani ka dhaco wuxuu qaadaa kun qof (1000) laakiin dadkii ayaa kabatay tiradaas.

Dadka shirka ka soo qayb galay waxaa kamid ahaa wakiilka Ugaaska guud ee Ciise iyo masuuliyiin kale oo xaga dawlada ka socday, sidokale waxaa shirka ka soo qayb galay dhalinyarada barbaarta iyo aqoonyahano farabadan, waxaa xusid gaar ah mudan ahmiyada uu shirku lahaa waxaa cadayn ah waxaa jira dad badan oo safaro dhaadheer usoogalay kuwaas oo ka kala yimid Addis Ababa, shiniile, Boorame, Jigjiga ilaa Jabuuti, sidaas darteed waxaa halkaas ka cad inay dadkeena Soomaaliyeed yihiin dad wadaniyiin ah oo haday arkaan cid si wanaagsan oo sax ah u hogamisa ay diyaar uyihiin inay garab istaagaan.

Shirka waxaa ka hadlay oo khudbado dhaadheer oo qiimo badan ka soo jeediyay masuuliyiinta isbahaysiga SCF, waxaana lagu soodhaweeyay halgame Mudane Hussein Nour oo si fiican oo waafi ah u sharaxay hadafka isbahaysiga SCF, waxaa kale oo shirka ka hadlay Mudane Cali samire Sigad oo kamida masuul sare oo kamida is bahaysiga SCF asagoo si fiican u qaadaa dhigay hadafka is bahaysiga iyo hiigsiga fog ee ay lee yihiin.

Sidokale waxaa shirka ka hadlay Afhayeenka ONLF mudane Cadaani Hassan Hiirmooge, runtiina wax badan ka haqab tiray dadkii goobta fadhiyay.

Shirka ayaa dhankooda ka hadlay siyaasiyiin hore bulshada qaybaheeda kala duwan sida Dhalinyarada, haweenka, iyo Culumaa u diinka ayagoo dhamaantood hoosta ka xariiqay in maanta la joogo xiligii loo midoobi lahaa danaha shacabkeena.

Dhanka kale bulshadii shirka isugu timid ayaa dhankooda muujiyay dareen wadaniyadeed iyo soodhawayn hadafka isbahaysiga SRDA iyo ONLF, waxayna balan qaadeen inay hiil iyo hooba la garab istaagayaan.

Shirkan oo ahaa mid aan wali horay loo arkin noociisa okale ayaa ku soodhamaaday guul fracadeed iyo jawi dagan.

ONA/Diri Dhaba.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay