Milatariga dalka Nigeria ayaa sheegay in uu gacanka ku hayo magaalada Gudumbali ee bariga dalkaasi kaddib markii Jimcihii la soo dhaafay ay magaaladaasi weerartay kooxda Boko Xaraam.

Arrintan ayaa timid xilli kooxda la baxday dowladda Islaamka ay sheegtay in dagaalyahannadeeda ay dileen saddex askari oo ka tirsan milatariga dalkaasi Nigeria isla markaana ay burburiyeen sagaal baabuur oo ah kuwa gaashaaman. Weerarka ka dhacay Gudumbali ayaa ah astaan kale oo muujineysa in dagaalka u dhaxeeya kooxda Boko Xaraam iyo ciidamada milatariga dalka Nigeria uu sii xoogeysanayo.

Milatariga ayaa beeniyay in wax khasaare ah uu ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday maalintii jimcaha ahayd basle dad goob joogeyaal ah ayaa wakaaladaha wararka ee reuters iyo AFP u sheegay in qaar ka tirsan askarta milatariga Nigeria lagu dilay weerarkaasi haseyeeshee ilaa haatan lama sheegin tirade dhabta ah ee askari ku dhimatay weerarkaasi.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay