Inta la xaqiijinayo 17 ruux ayaa ku dhimatay Axadii Shalay kadib markii  ay bur burtay diyaarad ka anbabaxday Garoonka diyaaradaha magaalada Jubba ee caasimada dalka Koonfurta Sudan kuna sii jeeday magaalada lagu magacaabo Yirol.

Saddex ruux ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyay diyaarada, halka labo ruux oo kalana la la-yahay, dadka la soo badbaadiyay ayaa waxaa ka mid ah dhakhtar u dhashay dalka Talyaaniga oo uu soo gaadhay dhaawac culus.

Saddex ka mid ah guud ahaan rakaabka diyaarada oo ahaa 22 ayaa la sheegay in ay carruur ahaayeen, sida ay goob joogayaal sheegeen.

David Subek, oo ah madaxa laanta socdaalka Koonfurta Sudan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay bur burka diyaarada.

Horay dalka Koonfurta Sudan waxaa uga dhacay marar kala duwan bur bur diyaaradeed gaar ahaan sanadkii ugu danbeeyay 2017.

2015kii ayeey aheyd markii diyaarad kuwa xamuulka qaada ah oo laga lahaa dalka Ruushka ay bur burtay xili ay ka duuleysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jubba.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay