Madaxda Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo ayaa sheegaya in Trump iyo xubnaha ku dhaw dhaw ay weli baadhayaan shaqsiga kamid ah xukuumadaasi ee sida qarsoodiga ah xogta u siiya Jariirada New York Times.

Jariirada New York Times ayaa maalmo kahor daabacday qoraal uu qoray Xubin sare oo ka tirsan Xukuumada Trump, mas’uulkaasi oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in uu kamid yahay xubnaha doonaya inay ka hortagaan siyaasada khaldan iyo khatarta ka imaan karta Donald Trump.

Wuxuu qofkaasi sheegay inay jiraan xubno badan oo kamid ah Dowlada Maraykanka oo si weyn uga soo horjeeda hab-dhaqanka Trump isla markaana doonaya inay si qarsoodi ah uga hortagaan go’aamada khaldan ee kasoo baxaya Madaxtooyada Maraykanka.

Xogtan ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada qaarkood ay horey udoonayeen inay adeegsadaan awooda dastuurka siinayo ee qodobka 25aad oo u fasaxaya Golaha Wasiirada inay xilka ka xayuubin karaan Madaxweynaha, balse tilaabadaasi aysan ku dhaqaaqin iyagoo ka cabsi qaba in arrintan ay keento khilaaf dastuuri ah oo dalkaasi ka dhasha.

Saxaafada Maraykanka ayaa maalmahan si weyn uu baarayey shaqsiga is-qariyey ee maqaalka ku daabacay New York Times, waxayna in badan tuhmeen Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence oo luuqadiisa laga dha-dhansaday ereyada qoraalkaasi loo adeegsaday.

Balse Mike Pence ayaa beeniyey inuu isagu yahay qofka qoraalkaasi qoray, waxaa sidoo kale iyaguna iska fogeeyey in ku dhaw 60 madaxda sare ee dowlada Maraykanka oo dhamaantood beeniyey inay iyagu yihiin qofkaasi la baadi goobayo.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay