Maqaal: Maxaan kasoo faa’iiday shirwaynihii JWXO ee dhawaan Eritrea lagu qabtay? siduuse udhacay?

Iyadoo labaatankii sano ee udanbaysay aan laqabanin shirwaynihii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa wuxuu ururku 1/7/2018 udareeray shirwaynihiisii 3aad kaasoo ahaa talaabo wanaagsan oo loo baahnaa, wuxuuna hada kahor laqabsoomi la’aa caqabado laxidhiidhey marxaladihii adkaa ee halganku kasoo gudbay, hadaba maadaama uu qodobka shirwaynuhu ahaa mid dastuuri ah, Ururkuna yahay mid qaab Dowladeed udhisan waxaa lagama maarmaan noqotay in Nadaamkana ladabaqo lagana jawaabo fariin inbadan lawadh-finayay oo ahayd: “Shirwayne maa laqabto” taasoo Nacab & Naasaxba laga maqlayay Cadowguse uga dan lahaa inuu iska horkeeno Hawl-wadeenka & Hogaanka sare ee JWXO, hadaba wuxuu Kulan-waynuhu kusoo beegmay xili ay Jabhadu 34 sano jirsatay.

Waxaana halkaas kaaga cad xaqnimada halganka gaamuray ee lagu baadigoobayo xoriyada Dalka, Diinta & Dadka Ogadenya, sababtoo ah waxaan xaq kudhisnayn maba jiri karo muddada dheer ee ay JWXO jirtay, Akhristayaal waxba yaanay arartu ila tagine; Anigoo umahad-celinaya “ALLE SWT” ayaa waxaan doonayaa inaan cabiro waxyaabihii aan kasoo faa’iiday & siduu udhacay shirwaynihii udanbeeyay ee JWXO waxaana kaga hadlayaa dhowrtan jumladood ee soo socota:

Shirwaynaha JWXO waxaan kasoo dhaxlay Kirbad & Waayo’aragnimo balaadhan oo xikmad rasmi ah kuqotonta, waxaana kasoo qaatay Cashiro laxidhiidha Dalka Ogadenya Khayraadkiisa, Taariikhdiisa & waliba dood Cilmiyeedyo dhaxalgal ah oo aan runtii wax badan kasoo faa’iiday.

Shirwaynaha JWXO waxaan kusoo bartay dadwayne badan oo isugu jira Madax sar sare, Maamul dhexe, Ciidan, Hawlwadeeno, Taageereyaal & Martisharaf kale, kuwaasoo dhamaantood aan la iiga sheekayn doonin hada kadib Qofkastana aan soo ogaaday wuxuu galo & wuxuu gudo.

Shirwaynaha JWXO waxaan kusoo dooranay Madax qiimo badan oo ay Tiradoodu dhan tahay 71 Xubnood oo Goledhexe ah oo uu kujiro Gudoomiyaha Ururku waxaana isla tiradaas kasoo dhex baxay Gudigii Fulinta oo iyagu dhaqaajinaya Hawl maalmeedka Ururka inta udhaxaysa labada Shirwayne, sidaas darteed waxaan rajaynayaa inay Madaxda cusub ee Halganku dadaal, daacadnimo & dardar horle kuhogaamin doonaan Ururka islamarkaana ay ka midhodhalin doonaan shaqada loo idmaday.

Shirwaynaha JWXO waxaa lagu soo dajiyay Xeer, Barnaamij siyaasi ah oo aad umug-wayn & Istaraatijiyad dhaxalgal ah oo lajaanqaadi karta xiliga & wacyiga lagu jiro, waxayna dhamaan Hawlaha Shirwaynuhu kuqabsoomeen mudo todoba maalmood gudohood ah (1 ilaa 7 bisha 7/2018) taasoo Mucjiso ahayd in Gudiga doorashadu ay hawshii muddo dheer qaadan lahayd ay kusoo Afmeeraan Hal usbuuc oo kaliya, waxaana ku mahadinaynaa Allihii inoo fududeeyay.

Shirwaynaha JWXO markii uu si dagan oo Guul taariikhi ah lagu tilmaami karo kusoo dhamaaday waxaa iisoo soo baxday, In ururka JWXO uu siwanaagsan umaamuli lahaa hadii loo dhiibo Talada Caalamkan aan ku noolahay, waayo waxaan maqsuud kanoqday kala danbaynta, isku kalsoonaanta, iyo Bisaylka Siyaasadeed ee Lexejeclada & Wadaniyada kusalaysan ee kamuuqatay Boqolaalka Qof ee isugu timid Shirwaynaha 3 aad ee JWXO.

Shirwaynaha JWXO oo siwayn isha loogu kuhaysay waxa kasoo bixi doona ayaa waxaa kasoo baxay Fariin midaysan, Madax midaysan & Dadwayne midaysan una wada socda hal jiho oo yoolkeedu yahay in Ogadenya laga xoreeyo Gumaysiga Itoobiya, taasina waxay ahayd Guusha ugu wayn ee Shirwaynuhu gaadhay, in Natiijadaas fiicani soo baxdana Alle kasakow waxaa sabab u ahaa ergooyinka shirka soo xaadiray oo ahaa kuwo ucarbisan Qaab-shireedka toolmoon ee JWXO oo katarjumaya dhowrida Anshaxa & habsami usocodka shirka.

Shiwaynaha JWXO dalka lagu qabtay dadkiisa & dowlada martigaliseyba waxaa loogu tagi wadaninimo & akhlaaq wanaag & Nadaafad runtiina waa dad ku dayasho mudan oo iskutashaday gacmahana isqabsaday Muslimkoodii & Gaalkoodii intaba, halka Soomaalida oo wax walba wadaaga ay kawada tashan la’yihiin dantooda ayna wali sii dabasocdaan kii burburiyay Qaranimadooda islamarkaana iskudirkooda ka shaqaynayay.

Ugudanayntii waxaan Maqaalka kusoo gunaanadayaa eray halku dhag u ahaa Jabhadii Xoraynta Eritrea kaasoo ahaa “ አወት ን ሐፋሸ ” oo macnihiisu yahay “Guusha Shacabkaa iskaleh” hadal & dhamaan ummadii midowdaa guulaysatee dadkaygoow mid noqda.

Shaafici Maxamed Qeex
unity6236@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay